Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»114 Maxbuus oo itoobiya ay soo daysay oo soo gaaray muqdisho
    Somalia

    114 Maxbuus oo itoobiya ay soo daysay oo soo gaaray muqdisho

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 22, 2017Updated:July 22, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    114 xubnood kamid ah maxaabiistii Soomaalida aheyd ee ku xirneyd xabsiyada dalka itoobiya ee dhawaantan ay dowladda Soomaaliya ku guuleysatay in ay soo furato, ayaa caawa kasoo dagay garoonka diyuuradaha Aadan-cadde ee magaalada Muqdisho.
     
    Maxaabiistan lasoo daayay waxaa safarkooda ku wehlinayay Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya fadhiya Max’ed Cali Nuur iyo Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya jooga Jamaaluddiin Mustafa.
     
    Waxaa garoonka diyuuradaha kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, xildhibaanno iyo qaar kamid ah ehelada dadkan lasoo daayay.
     
    Sii deynta maxaabiistan ayaa ku timid wadahadal horraantii bishan R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu Addis Ababa kula yeeshay madaxda dalka Itoobiya.
     
    Waxaa wali ku harsan dalkaasi 6kamid ah maxaabiista la ogolaaaday in ay xorriyaddooda dib u helaan kuwaasoo la sheegay in dhawaantan ay iyaguna dalka soo gaari doonaan.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.