Doorashadii Madaxweynimo Ee Turkiga Oo lasoo hormariyay

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaqay doorasho madaxweyne iyo baarlamaan oo waqtigoodii laga soo hormariyay.

Doorashada Turkiga ayaa imika la qaban doonaa 24 bisha June ee sanadkan.

Madaxwayne Erdogan ayaa sheegay in dalka si deg deg ah uu ugu baahan yahay madaxweyne awood buuxda leh oo wax ka qabta dhibaatooyiinka haysta dalka.

Haddii doorasho la qabto dalkaasi ayaa waxaa madaxwaynaha la doorto uu helayaa awooda uusan imika lahayan madaxwaynaha.

Mar sii horeysana wasiirka gaashandhiga Turkiga ayaa sheegay in shaqada laga ceyriyay 3000 oo askari oo ka tirsan ciidamada qalabka side ee dalkaasi.

Ciidamadani ayaa lala xiriiriyay wadaadka lagu magacaabo Fatxullah Gulen oo deggan dalka Mareykanka.

Gulen ayay dowladda Turkiga ku eedaysay in uu ka dambeeyay afgembigii dhicisoobay ee dalkaasi ka dhacay 2016.

Tan iyo wixii ka dambeeyay afgembigii dhicisoobay ee dalka Turkiga ka dhacay ayaa waxay dowladda dalkaasi ay qaaday tillaabooyiin ay shaqada uga ceyrinayso askar iyo shaqaala ka tirsan dowladda oo lala xiriirinayo afgembigaas.