11-Safiir Oo Somaliya ku matali doona caalamka Oo maanta la magacaabayo

Golaha Wasiirada Fadaraalka Soomaaliya oo kulankoodii khamiislaha ah maanta ku yeelanay Xafiiska Ra’isilwasaaraha,ayaa magacaabaya safiirada qaar ka mid ah wadamada caalamka.
 
Golaha Wasiirada Fadaraalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah kulankodii caadiga ahaa waxa ay ku yeelan doonaan Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho,waxaana la filayaa in la sameeyo Magacaabis.
 
Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta la magacaabi doono safiirada qaar ka mid ah Wadamada Caalamka ee saaxiibka la ah dalka Soomaaliya.
 
Ilaa 11 Safiir ayaa macquul ah in Maanta la magacaabo,kuwaas oo la filayo in ay bedelaan Safiiro horay Shaqada looga eryay.
 
Wadamada maanta Safiirada loo Magacaabi doono ee Caalamka ayaa ahaa mudo dhowr bilood ah kuwo Safiir ahaan ah,waxana si KMG ah u hayay ku xigeenadoodi