Video:-Cabdiraxmaan Cirro”Muuse Biixi waa khaa’inul wadan Ee ha iscasilo”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi Cinro oo maanta shir jaraa`id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa dhaleecayn kala dul dhacay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynihii ka horeeyey ee Siilaanyo.
Guduumiye Ciro ayaa ka carooday isla markaana si siyaasiyana uga faa’idaysanaya hadalkii shalay ka soo yeeray wasiiru dowlada arimaha dibada ee dowlada Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qarqaash kaas oo BBC-da laanteeda afka Carabiga u sheegay in Somaliland aysan kala heshiin Dekada iyo Saldhiga Milatari ee Berbara.
Wasiirka ayaa sheegay in heshiisyadaas ay la galeen dowlada Fadaraalka ee uu hogaaminayay Xasan Shiikh Maxamuud.
Mr Anwar ayaa carabka ku dhuftay in Somaliland aysan la lahayn wax xiriir ah,isla markaana ayasan ugu furnayn Qunsuliyad ama safaarad Somaliland.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee wadani ayaa Madaxweynihii hore ee Somaliland Siilaanyo ku yiri ”
 
”Wuxuu mudan yahay in la soo taago Maxkamad, isagoo sheegay in uu Khiyaamay Somaliland.”
Wuxuu kaloo yir”Siilaanyo Waa Dambiile Khiyaamo Qaran galay,waa In Maxkamad Lasoo Taagaa”,ayuu yiri Cirro.
Sidoo kale Madaxweynaha hadda taladda haya ee Muusa Biixi Cabdi ayuu ugu baaqay in uu iscasilo oo shacabka weydiisto Cafis
”Muuse Biixina Waxa Uu Camuuda Kurogay Somaliland Dano Dhaqaale Aawadiis Waa Inuu Iscasilo Khaayin Wadan weeye,Rayaale Geesi Dalka Daacad U Ah Buu Ahaa oo Mujaahidiiintii uga daacadsanaa”ayuu yiri cirro,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka