Baarlamaanka Fadaralka Itoobiya Oo doortay Gudoomiye cusub

Baarlamaanka Fadaraalka Ethiopia ayaa markii ugu horeysay loo doortay in guddoomiye ay ka noqoto haweeney waxaana xilkaas la wareegay wasiirkii hore ee haweenka dowlada Ethiopia Muferiat Kamil.
 
Sida ay shaacisay wakaalada wararka ee FANA Muferiat Kamil ayaa waxa ay bedelaysaa Abadula Gemeda oo xilkaas hayay tan iyo sanadkii 2010.
 
Afhayeenka cusub ee Baarlamaanka Ethiopia Muferiat ayaa waxaa ay xubin ka tahay xisbiga (SEPDM) oo ka mid ah faracyada uu ka kooban yahay xisbiga haya talada dalkaas ee EPRDF.
 
Muferiat Kamil ayaa ku soo biirtay baarlamaanka dalka Ethiopia sanadkii 2008 iyadoo noqotay qofkii ugu da’ada yaraa ee xubin ka noqdo xilligaa oo ay 32 jir ahayd.