Bashiir Makhtal Oo ay sii daysay dowlada Itoobiya 13-sano kadib

Ururka ONLF ayaa sheegay in dawladda Itoobiya ay xabsiga kasii daysay Bashiir Axmed Makhtal oo dalkaasi ku xirnaa tan iyo sannadkii 2006 loona haystay eedo ah inuu ka tirsan yahay ururka ONLF.
 
Bashiir Makhtal ayaa maxkamadda Itoobiya waxay ku xukuntay xabsi daa’im iyadoo ku eedaysay falal argagixiso ah,inkastoo uu beeniyay dhamaan eedaymahaas.
 
Bashiir ayaa kamid ahaa asaasayaashii Ururka Nasrulaahi oo ka hor jamhada ONLF ka dagaalami jirtay deegaamada DDSI,,sidoo kale Bashiir Makhtal,ayaa waxaa sodog u ahaa hogaamiyihii koowaad ee Jamhada ONLF.Shiikh Ibraahim Cabdalla Maax.
 
Sii daynta Bashiir Makhtal ayaa waxaa xaqiijiyay Af-hayeenka ONLF Cabdulqaadir Xasan Hirmooge.