Xulka Somaliya Ee ka yar 17-jirada Oo guul taariikhiya ka gaaray ciyaaraha Cecafa

Xulka Qaranka Kubada Cagta Dalka Soomaaliya ee da’doou ka hooseysa 17-jirada ayaa waxay guul muhiim ah ka gaaareen dhigooda Kenya tartanka Cecafa ee 17-jirada ayadoo Soomaaliya iyo Kenya ay wadageen min afar dhibcood ka hor inta aysan bilaaban Ciyaarta waxaana ay ahaayeen labada dal ee ugu sareeyay Group-ka A.
 
Soomaaliya ayaa goolka ka heshay Farxaan Duqoow oo lambarka 11-aad u watay dhalinta Soomaaliya waxaana guushan ay tahay Mid aad muhiim ugu ahayd xulka qaranka 17-jirada waxaana taasi ay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay u soo gudubtay wareega xiga ee tartanka ayadoo 7-dhibcood Urursatay Sadex Kulan oo ay Ciyaartay Soomaaliya.
 
Soomaaliya ayaa waxaa sadexda kulan ee Tartanka Cecafa waxay ku group noqotay dalalka Itoobiya Burundi iyo dalka Kenya, Kulankii ugu horeyay oo Soomaaliya ay la Ciyaartay dhigooda Itoobiya ayaa waxaa uu ahaa mid ku soo idlaaday 3-1 oo guusha ay ku raacday dalka Itoobiya.
 
Balse Itoobiya ayaa dhibcihii laga qaaday kadib markii ay ku xad gudbeen sharuucda u taalay tartanka kadib markii garoonka ay soo galiyeen Ciyaartoy ka Weyn 17-sano Sidaasi ayaana Soomaaliya waxaa lagu siiyay sadexdii dhibcood iyo sadex gool,
 
Kulankii xigay ee Group-ka Soomaaliya waxay la ciyaartay dalka marti gelinaya koobka ee Burundi waxaana uu ahaa kulan dhiira gelin loo balan qaaday wiilasha dalkeena waxaana Burundi oo dalkeeda joogtay ay ku fashilantay in goosha wiilasha Soomaaliya ay Soo Taabato waxaana Ciyaartii ay ku soo idlaatay 0-0.
 
Soomaaliya,ayaa waxay kaloo ka adkaatay Kenya,iyadoo ka heshay sadex dhibcood oo kale.
 
Guusha ay Soomaaliya gaartay,ayaa waxay ka dhigan tahay in ay ugu sareyso kala horeynta Group-ka waxaana ay leedahay 7-dhibcoo.
 
Soomaaliya ayaa kaalinta koobaad ugu soo gudubtay qaybaha kale ee ka haray tartanta.