Gudiga doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka Oo beri la filayo in lagu dhawaaqo

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isla gartay in Kulanka Berri ay Xarunta Golaha Shacabka ku leeyihiin Baarlamaanka looga dhawaaqo Magacyada Xubnaha Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka.
 
Liiska Xubnaha ayaa ka koobnaan doono 15-Xubnood oo ka kala imaanaya 5-ta Beel ee Awood qeybsigeedu ku dhisan yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Beel waliba xubnahaan ugu jira 3-Xubnood.
 
Fariin Ballameedka Xildhibaanada Baarlamaanka ee Kulanka Berri ayaa lagu wargeliyay in Kalfadhiga 3-aad, fadhigiisa in ay kaga hadlayaan Doorashada Guddiga.
 
“Mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS ayaa Berri oo Sabti ah yeelan_doona Kalfadhiga 3_aad kulankiisa 3_aad ee Golaha Shacabka.
 
Ajendaha kulanka ayaa ah ku dhawaaqista Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka” ayaa lagu yiri Fariinta Wadareedka Xildhibaanada lagu ballamiyo.