Axmed Ciise Cawad”DPWorld waa in ay ka laabataa heshiiska Dekeda Berbera”

Wasiirka arimaha dibada Dowlada Fadaraalka Somaliya,ayaa ka hadlay heshiiska Dekeda Berbera.
Mar uu soo hadal qaaday warkii dhawaan ka soo yeeray Wasiiru-dowlaha arrimaha dibada Imaaraadka Anwar Gargash ee ahaa in heshiiska dekedda Berbera ay wax ka ogaayeen dowladdihii hore ee Soomaaliya, waxaa uu sheegay Wasiir Cawad in dowladda Soomaaliya ee hadda jirta marnaba ka war qabin heshiis arintaa ku saabsan oo dhaxmaray Imaaraadka iyo dowladdihii hore.
 
‘’Waan dhageystay Wareysiga Wasiirka waxaa uu sheegay Is faham in uu jiray, laakiin ma uusan sheegin wax heshiis ah oo qoran oo labada dhinac dhaxmaray, Annagana ka dowlad ahaan ma aanan arag heshiis qoran oo dhaxmaray Imaaraadka iyo dowladdihii naga horeeyay, haddii aan aragno runtii weynu ixtiraami laheyn’’ ayuu yiri Wasiirka.
 
Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ugu baaqay shirkada laga leeyahay Dubai ee Dp World inay dib uga fekerto heshiiska ay la gashay maamulka la magacbaxay Somaliland ayna la shaqeyso dowlada Federalka si aysan ugu xadgudbin madax banaanida dalka Soomaaliya.
 
“Waxaan weydiisanaynaa Shirkadda DP World inay dib uga fekerto heshiisyada ay gashay gaar ahaan kan dekeda Berbera, inta ay Somaliland ka sheeganayso inay ka go’oday dalka intiisa kale,” Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay wakaalada wararka Reuters.
 
Wasiirka ayaa ku tilmaamay heshiiska DP World ee dekeda Berbera uu yahay mid hareer marsan sharciyada saxda ah waxana uu sheegay in uu abuuray heshiiskaas is-faham waa iyo khilaaf weli aan xal laga gaarin.
 
“Dowlada Federalka waxa ay dooneysaa in Shirkada DP World ay la macaamisho xukuumada Muqdisho halkii ay heshiis kala geli lahayd maamulka Somaliland.”ayuu yiri wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya.
 
“Haddii intaa lagu dhaqaaqo Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa maalgelin lagu sameeyo meel walba oo ka mid ah dalka Soomaaliya oo ay Berbera ku jirto.”ayuu sii raaciyay Wasiirka.