Video:-Safiirka Qatar Ee Somaliya Oo laga gudoomay waraaqihisii aqoonsiga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay safiirka Qatar ee dalka Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa safiirkeeda cusub usoo magacowday dalka Soomaaliya, waxaana maanta si rasmi ah looga guddoomay warqadahiisa aqoonsiga ee safiirnimo.

Xasan Xamsa Asad, Safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya ayaa lagu qaabilay madaxtooyadda Soomaaliya, waxaana madaxweynaha uu ka guddoomay warqadahiisa aqoonsiga.

Xasan Xamsa ayaa ah Safiir awoodiisa dhameystiran tahay oo uu dhowaan soo magacaabay Amiirka Qatar, waxaa uu horay u ahaa Sii Haye Safiir.

Dowladda Qatar ayaa xilligan saameyn ku leh siyaasadda dalka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in dhowaan Madaxweyne Farmaajo uu booqasho rasmi ku tago dalka Qatar.

Xiisadda Siyaasadeed ee u dhaxeyso xulufada Imaaraatka iyo Qatar ayaa u muuqata mid saameysay siyaasadda Soomaaliya,hoos akd aawo muuqaalka

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka