Video:-Dowlada Fadaraalka Somaliya Oo si rasmi ah ula wareegtay xaruntii Imaaraadka Ee Muqdisho

Dowlada Fadaraalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay ciidankiii Milatariga ay tababareen dowlada Imaaraadk,a kadib markii dowlada Imaaraadka shaacisay in ay joojisay taageeradii iyo tababaradii ay ciidankaasi siin jireen.

Abaanduulaha Ciidanka Xooga Soomaaliyeed Jeneraal Cabdulaahi Cali Caanood oo saakay tagay xerada Jeneraal Gordan ee dagan yihiin ciidanka ay tababartay dowlada Imaraadka ayaa sheegay in dowlada maanta si rasmi ah ula wareegtay ciidankaasi.

Waxa uu sheegay Abaanduulaha in si buuxda taliska ciidanka ula wareegtay Ciidankan ay tababartay dowlada Imaraadaka iyaga iyo hubkooda, waxa uuna sheegay in hada kadib xaquuqdooda ku leeyihiin dowlada,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka