Video:-Madaxweyne Gaas Oo magacaabay Gudiga soo celinta bilicda Bosaso

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 21 April 2018 waxaa uu wareegto klu magacaabay Guddiga Hagaajinta Bilicda Iyo Soo Celinta Hantida Dowladda ee Degmadda Boosaaso.

 

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland oo sumadiisu tahay MW/DPS/267/2018, Boosaaso.

ku: Dhammaan Wasaaradafa iyo Hay’adaha Dowladda ee Gobolka Bari

Og: Guddoomiyaha Gobolka Barri

Og: Guddoomiyaha Degmadda Boosaaso

Og Taliyaha Qaybta Booliiska Bari

Ujeeddo: Magacaabid Guddiga Hagaajinta Bilicda iyo soo celinta hantida Dowladda ee Degmadda Boosaaso.

 

Waxaa wasaaradaha iyo Hay’adaha ay warqadaani sida tooska iyo ogeysiinta ugu socoto lagu wargalinayaa in la magacaabay guddiga hoos ku qoran, kaasoo ka shaqeyn doona hagaajinta bilicda iyo soo celinta hantida maguurtada ah ee Dowladda Puntland ku leedahay magaalada Boosaaso, taasoo ay si sharci dara ah ku degan yihiin dad shacab ah.

 

Gudigaas oo ah sida hoos ku qoran.

1: Cabdirashiid Maxamed Xirsi                     Wasiirka Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda- Guddoomiye

2: Siciid Maxamed Raage                              Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda- Xubin

3: Maxamed Faarax Beeldaaje                  Wasiirudowlaha Maaliyadda- Xubin

4: Cabdirsaaq Nuur Cumar                           Wasiir Kuxigeenka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda- Xubin

5: Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan            Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda ahna Guddoomiyaha Degmada Boosaaso- Xubin

6:  Yuusuf Maxamed Wacays {Dhado}    Guddoomiyaha Gobolka Barri- Xubin

7: Gen Asad Cismaan Cabdulaahi             Agaasimaha Guud ee PSF- Xubin

8:  Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax      Taliyaha Ciidanka Bada- Xubin

9: G/sare Cabdixakiin Yuusuf Xuseen      Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Barri- Xubin

Sidaas Daraadeed Waxaa guddiga hagaajinta bilicda iyo soo celinta hantida Dowladda ee Degmadda Boosaaso la farayaa in ay sida ugu dhaqsha badan uga hawlgalaam waajibaadka shaqo ee loo igmaday,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka