Video:-Madaxweyne Gaas Oo casuumad rasmi ah ka helay dowlada Imaaraadka Carabta

Madaxweyne Dowlada Puntland ayaa saakay u socdaalay dalka isutaga Imaaraadka Carabta.kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dowlada Imaaraadka Carabta.
 Diyaarad khaas ah,ayaa ka qaaday garoonka diyaaradaha ee Magaalada Bosaso Madaxweynaha iyo wafti uu hogaaminayo.
 
Socdaalka Madaxweyne Gaas,ayaa kusoo aaday ka gadaal markii maalmo ka hor uu cadeeyay taageerada imaaraadka sida ay muhiim ugu tahay Puntland.
 
Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa gabi ahaanba joojisay tababaradii iyo taagaeeradii ay siin jirtay ciidamada dowlada fadaraalka ee Muqdisho.
 
Socdaalka Madaxweyne Gaas ee Imaaraadka ayaa ah mid muhiimad gaar ah leh madaama Madaxweynuhu yahay Gudoomiyaha madasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ,isla markaana safarkan uu kusoo aaday xili xasaasiyad gooniya wata.
 
Madaxweynaha ayaa kula kulmi doona Abu-dhabi masuuliyiinta ugu saraysa dalkaas,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka