Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar Oo xilkii ka qaaday Madaxweyne ku-xigeenkiisii

Maalmihii ee la soo dhaafay ayaa dibadbaxyo looga soo hirjeedo maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxa ay ka dhacayeen deegano kamid ah kuwa uu ka arimiyo maamulkaasi.
 
Deegaanada ugu badan ee dibadbaxyada ay ka dhaceyn ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Shiniile la yiraahdo.
 
Wargeyska laga leeyahay dalka Itoobiya ee la yiraahdo Addis Standard ayaa qoray in madaxweynaha dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar uu xilka ka qaaday Madaxweyne ku xigeynkii maamulkaas C/Kariin Cigale kuna badalay booskaasi Xamdi Aadan Cabdi oo sida la sheegay ka soo jeeda Deegaanka Shiniile ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
 
Xamdi oo lagu badalay madaxweyne ku xigeenka xilka laga qaaday ayaa ah sidoo kale wasirka caafimaadka ee ismaamulkaasi.
 
Wararka Iaga helayo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shegaya in ay jraan deegano kale oo wali ay ka socdaan dibadbaxyada lagana baqayo in ay sii xoogaystaan.
 
Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar ayaa la sheegayaa inuu wado dedaal uu ku joojinayo dibad baxdyada looga soo horjeedo maamulkiisa.