Ra’isalwasaare Abeye Oo safarkiisii Ugu horeeyay dalka dibadiisa ugu baxay

Ra’iisul wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxa ay gaareen dalka Jabuuti.
 
Ra’iisul wasaaraha iyo waftigiisa waxaa soo dhoweeyay madaxda dalka Jabuuti oo uu ugu horeeyo madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Jabuuti.
 
Safarka Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ah kii ugu horreeyay ee uu ugu baxo dalka dibadiidiisa,waxaana la filayaa inuu madaxda dalka Jabuuti kala hadlo arrimo muhiim ah oo ay ugu horeyso xoojinta xiriirka labada dal.
 
Abeye ayaa loo arkaa siyaasi furfuran oo door muuqda ka qaadan kara xoojinta amniga iyo horumarkaWadamada Bariga Africa.