Mid ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka Fadaraalka Oo Geeriyooday

Xildhibaan Khaliif Shiikh Cabdullahi Khaliif (Duureey) ayaa ku geeriyooday isbitaalka Madiina halkaas oo loo geeyay si loogu dabiibo maadaama uu xanuunsanaa.
 
Allaha u naxariistee xildhibaanka ayaa lagu waday in qalliin lagu sameeyo isagoo caawa fiidkii ku geeriyooday isbitaalka Madiina sida ay xaqiijiyeen ehelladiisa.
 
Xildhibaanka oo xanuunsanaa maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxa ay ehelladiisa sheegeen in galabta la geeyay isbitaalka Madiina.
 
Xildhibaan Khaliif Shiikh Cabdullahi ayaa kasoo jeeday deegaanada Maamulka Koofur Galbeed ee Somaliya.