Malaga yabaa in Madaxweyne Farmaajo Ugurmado shacabka Hiiraan?

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa la filayaa in maalinka barri foog ah ukicitimo dalka Burindi si uu qayb uga noqdo daawadayaasha ciyaarta Kubada Cagta ee dhexmari doonta xulalka Somaliya iyo Tansaaniya,
 
Ciyaartaas ayaa ah Finalka CECAFA U-17 jirada.
 
Hadaba shacabka Somaliyed qaybihiisa kala duwan,ayaa muujinaya sida ay uga xun yihiin iyadoo qaybo kamid ah dalka ,gaar ahaan Gobolka Hiirraan dad lagu qiyasaay 420,000 oo qof ay saameeyeen fatahaadaha ka dhashay Wabiga shabelle , waxaana magaalada Beledweyne oo kaliya ka barakacay dadka ka badan 100,000 oo qof oo qiyaastii gaaraya 26 -kun oo Qoys.
 
Dad badan ayaa qaba in ay tahay guul lagu faani karo iyo soo kabasho ciyaaraha Kubada Cagta Somaliyed in la dhiirigaliyana ay tahay dhalinyarada guusha taariikhiga ah soo hoysay hadana waxaa ka mudan in laga hormariyo shacabka dhibaataysan ee reer Hiiraan,loona isticmaalo dhaqaalaha ku baxaya safarkaas ugurmashada shacabka.
 
Ra’iisal wasaaraha dowlada Fadaraalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho uga dhawaaqay guddi ka kooban 22-xubnood oo isku duwi doona gargaarka deg-dega ah ee la gaarsiinayo dadka ay fatahaadu saameysay, gaar ahaan magaalada Beledweyne.sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xaafiiskiisa.
 
Gudigan ayaa lagu dhawaaqay xili danbe oo la oran karo waa lala soo daahay,marka la eego xiliga ay bilaameen Roobabka iyo Fatahaada wabiga,sidoo kale mahan mid ku filan ama jawaab unoqon kara xaalada cakiran ee Hiiraan.
 
Shacabka Somaliyed ayaa ka war dhawraya talaabada xigta ee Madaxweyne Farmaajo ka qaadan doono xaalada shacabka dhibaataysan ee reer Hiiraan.