Video:-Bosaso yeelanaysa xarun Dabdamis markii Ugu horaysay Abid

Xarunta dabdamiska magaalada u ah Puntland xarunta Ganacsiga,ayaa maanta la dhagax dhigay dhismaheeda.

Dhismaha xarunta dabdamsika Bosaso waxaa maalgalinaysa hay’ada UNHCR.

Dhagaxdhiga dhismaha dabdamiska Bosaso waxaa ka qaybgalay una mahadceliyay hay’ada UNHCR Duqa Kmg ah ee Bosaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

Dhismaha xaruntan dabdamiska ayaa ah miday Bosaso baahi xoog leh ay uqabtay hirgalinteeduna waxay u tahay talaabo horay loo qaaday,.

Shacabka qaybihiisa kala duwan ayaa si weyn usoo dhaweeyay hirgalinta xarunta Dabdamiska Bosaso.

Bosaso oo ka mid ah magaalooyinka ugu camiran geeska Africa,isla markaana si xawliya u kobcaysa ganacsigeeduna siix oogaysanyo ayaan lahayn waax dabdamis oo ku filan magaalada.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka