Masuuliyiin ka tirsan xaafiiska Ra’isalwasaare Khayre kana soo jeeda Puntland Oo shaqadii laga eryay

Waxaa shaqadii ay ka hayeen Xaafiiska ra’isalwasaraha dowlada Fadaraalka ah laga eryay laba muwaadin oo Soamliyed gaar ahaan kasoo jeeda Puntland.

Labadan masuul ee shaqada laga eryay ayaa kala ah Xarbi Cali Kulane oo ahaa Communication Director iyo Ahmed Faarax Yare oo ahaa Policy delivery director.

Haba yaraatee ma jirin wax danbiya oo ay galeen ama khalad shaqo oo ay ku kaceen sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka mid ah shaqaalaha Xaafiiska Ra’isalwasare Khayre oo aan wax ka waydiinay cayrinta masuuliyiintan.

Waxa kaliya ee ay eersadeen labadan masuul ee shaqada laga eryay,ayaa ah in ay dhalasho ahaan kasoo jeedaan Puntland.

Axmed Faarax Yare ayaa ah muwaadin Somaliyed oo kasoo jeeda Puntland sidoo kale Xarbi Cali Kulane ayaa ah muwaadin Somaliyed oo kasoo jeeda Galmudug ,balse ay Hooyadiis tahay reer Puntland waxayna wada dhasheen Ra’isalwasarihii hore ee Somaliya Cumar Cabdirashiid.

Masuuliyiintan shaqadooda ku waayay colaada iyo xumaanta loo hayo Puntland ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka hufnaa ee muujiyay kartida iyo hawlkarnimada mudadaii ay ka shaqaynayeen xaafiiska sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin kale oo ay mudo soo wada shaqaynayeen.

Mahan wax lal yaabo in dowlada Fadaraalka ay mar walba dagaal kula jirto Puntland iyo shacabkeeda,si gaar ahna u ugaarsato masuuliyiinta Puntland kasoo jeeda ee masuuliyadaha heer fadaraalka haya.

Kadib shaacinta go’aankii Puntland ee ku aadanaa xiriirka Imaaraadka iyo booqashadii Madaxweyne Gaas ee dalkaas waa talaabadii labaad ee Puntland iyo shacabkeeda ka dhan ah oo ay si toos ah iyo si dadban ufuliso dowlada Fadaaalka ah.

Shalay waxaa qarax xoog leh oo qof ismiidaamiya ah fuiiyay lagu khaaarajiyay saraakiishii Ciidamada isku dhafka ahaa ee Gobolka Mudug.

Xogaha ilaa iyo hada la uruuriyay ee ku saabsan qaraxaas ayaa tilmaamaya in si dadban ugu lug leeyihiin fulinta Qaraxaas masuuliyiin ka mid ah Madaxtooyada Somaliya.

Dhamaan arimahan iyo kuwo kale oo la filan karo xiliyada soo socda waxay qayb ka yihiin hagardaamada joogtada ah ee lagu hayo Puntland.