Waare “In ka badan 80% dadkii waxay ku sugan yihiin bannaanka Baladweyne”

Waxaa sii kordhaysa saameynta iyo khasaaraha ka dhashay fatahaado iyo daadad xoogan ee ay sababeen roobabkii ka da’ay qaybo ka mid ah Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo wareysi gaar ah laanta AfSoomaaliga ee BBC siiyey ayaa wuxuu sheegay in inka badan 80% dadkii ku noolaa magaalada Baladweyne ay iminka ku sugan yihiin dhulka bannaanka ah ee magaalada ka baxsan ka dib markii biyihii daadku dhaliyeen ay ku soo rogmadeen guud ahaan magaalada ayna galeen guryahii.

“Magaaladda haatan waa laga soo baxay,fataahadii waliba xalay iyo habeen hore aad bay u soo xoog yeelatay roobabkiina way da’yaan, magaalada 80% waa laga soo baxay, dhinaca barina ilaa meesha la yiraahdo 115 ilaa Ceel Jaalle, halkaasaa dadku wada joogaan, dhinaca qoraxsinkana hadba meeshii ay joogto ilaa xaafaddaha meelaha roon roon ayaa lagu baxay, magaalada Baladweyne 100% waa laga baxay” ayuu yiri Mr Waare.

Maxamed Cabdi Waare wuxuu sheegay in biyaha wabigu uu aad u sarreeyo, roobabkuna ay da’een

Xaafadaha magaalada Baladweyne meelaha qaar biyuhu waxay qofka u joogaan kala bar qofka joogiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’isalwsaare Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay hay’addaha gurmadka inay gurmad la gaaraan dadka ay saameyeen daadadka.

 

 

Xigasho BBC.