Video:-Atlantic Council”Dowladnimadii Somaliya waxay gacanta ugashay kooxda xagjirka ah Ee Ictisaam”

Hay’adda Atlantic Council Warbixin ay soo saartay ayay ku sheegtay in kooxo Dano siyaasadeed leh ay ku dul Hardamayaan madaxweyne Farmaajo , ayna dawladda soomaaliya ka muuqato Habacsanaan ..

Wariyaha warbixintan diyaariyay Cabdirisaaq Juba ayaa si faahfaahsan u iftiinshay saamaynta Fahad Yaasiin ee Vila Somaliya iyo khatarta isa sii taraysa ee Ictisaam ay kuhayaan dowladnimada Somaliya.

icitisaam waa Uurur ay ku midoobeen kooxo kasoo kala baxay ururada Alshabaab,Alitixaad,iyo Al Islaax,kuwaasoo hadafkoodu yahay in ay gacanta ku dhigaan hogaaminta dalka Somaliya.

Ictisaam waxay si gaar ah u qorsaynayaan in ay gacanta ku dhigaan hogaaminta Ciidamada,isla markaana maleeshiyo iyaga taageersan oo tiro badan ay ku darsadaan Ciidamada la qorshaynayo in loo dhiso Somaliya.

Haatan kooxahan ku midoobey magaca Ictisaam waxay ku daradeen Ciidamada dowlada Fadaraalka Xamar ku diyaarinayso ugu yaraan 1000 -Maleeshiyo iyaga taabacsan ah.

Wariyaha warbixintan diyaariyay Cabdirisaaq Juba ayaa si faahfaahsan u iftiinshay saamaynta Fahad Yaasiin ee Villa Somaliya iyo khatarta isa sii taraysa ee Icyisaam ay kuhayaan dowladnimada Somaliya,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka