Video:-Wasiir Beyle Oo shaaciyay hadal muran dhaliyay

Wasiir Beyle ayaa sheegay in si siman loo billaabayo canshuurta dalka oo dhan si aanay u imaan khilaafaadkii hore oo kale ee ay ganacsatada ku doodeen in kaliya Muqdisho laga qaadayo canshuurta iibka.
 
Waxaa uu sheegay in marka laga reebo Soomaliland inta kale ay waddaan kulamo ballaaran oo ku aadan mideynta canshuuraha dalka.
 
Wasiiradda dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka ayuu sheegay in yeeshaan kulamo joogto ah oo ku aadan sidii loo mideyn lahaa canshuuraha dalka, maadaama hadda dowladda ay canshuur ka qaado magaalada Muqdisho oo kaliya.
 
Hadalkan ayaa umuuqda mid Wasiirku la oran karo waa ku degdegay,sababtoo ah in lamideeyo canshuurta dalka waxaa ka horeeya in Dastuurka la dhamaystiro afti dadweynena loo qaado,
 
Dowlada Puntland ee ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka,ayaa ah mid ka horaysay dhismaheedu dowlada fadaraalka ee hada shaqaysa.
 
Puntland ayaa qabta in marka hore lagu heshiiyo dib u eegista dastuurka loona qaado afti dadweyne markaas kadibna lays waafajiyo dastuurka fadaraalka iyo dastuurka Puntland sidaana ay ku wareejiso Puntland awoodaha qaarkood oo ay kamid tahay canshuurta guud .sida dastuurkeedu qabo,hoos ka daawo muuqaalka warka Wasiirka oo fahfaahsan.

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka