Qaybtii Sadexaad ee Sheekadii Basaaskii Somaliga ahaa ee u shaqaynayay CIA-da

Barashadii Ibraahin iyo Shanklin 


Mike Shanklin, waxa uu noqday ku xigeenka Madaxa xafiiska CIA ee Muqdisho 1990-kii markii dagaalyahanno uu hoggaaminayo Gen Maxamed Faarax Caydiid ay billaabeen inay irdaha u soo xiraan 21 sano oo keli-talisnimo axmaqnimo ah uu Soomaaliya ku horsocday Gen Maxamed Siyaad Barre.

Ka hor inta aysan dowladdu burburinin, muddo bilo ah ayuu Shanklin habeen iyo maalin ka shaqeynayey sidii uu xiriir ula sameyn lahaa ganacsade hanti badan haysta oo deggenaa waqooyiga Muqdisho (Ibraahin). Ganacsadahan oo ahaa nin dhallinyar oo awood badan leh, xiriirkiisuna badan yahay wuxuu sameystay ciidamo uu isagu gaar u leeyahay markii dagaalku dhacay kaddib, waxaana uu noqday nin CIA-da la shaqeeya, isagoo ku caawiyey dokumentiyo sir ah oo Shanklin uu ka gaabsaday inuu shaaciyo.

Black Hawk Down.

Ciidanka Delta Force
Waxa uu sheegay Shanklin inay Ibraahin yeesheen xiriir aad u sokeeya oo daacadnimo ku jirto. Markii qalalaasuhu ku soo dhowaaday Muqdisho, waxa ay Shanklin is barteen Stefania Pace oo ay Ibraahin lammaane ahaayeen. Shanklin waxa uu Xamar ka baxay 1991 kaddib markii dagaalyahannadii Caydiid ay ku guuleysteen inay Barre kala wareegaan awoodda, kana qabsadeen Muqdisho ka hor inta aysan iyagu qoryaha iskula soo jeesan.

Markuu ku noqday xarunta CIA, waxaa loo diray dagaalkii Gacanka, si uu ugu dhexeeyo mukhaabaraatka iyo milatariga Mareykanka. Kaddib waxaa loo beddelay dalka Liberia oo looga dhigay madaxa xafiiska CIA-du ku leedahay halkaas. Markuu howshii soo dhammeystay ayuu u sheegay madaxdiisa inuu doonayo in hadda kaddib loo diro meel hadduu nalka shido uu nalku shidmayo, haddii qasabadda uu furana ay biyo ka imaanayaan. Codsigiisa cidna ma diidi karin, waxaana la geeyey London isagoo xiriiriye u noqday mukhaabaraatka Mareykanka iyo kan Ingiriiska.

Madaxweyne Bush oo jooga Baydhabo
Markii Madaxweynihii hore ee Mareykanka, George Bush uu ku dhawaaqay inuu gaas Marines ah u dirayo Soomaaliya, si ay u hubiyaan in gargaarka la gaarsiiyo dadka macluulsan ayaa CIA-du doontay Shanklin inuu qarsoodi ku galo Muqdisho iyadoo ay wehliyaan xayn kale oo sirdoon ah, si ay u suura-geliyaan in ciidanka Mareykanku ay degaan xeebta Xamar iyagoon dhibaato la soo dersin.

Iyadoo Ibraahin uu ku caawinayo taageero dhinaca farsamada ah ayaa xubnihii sirdoonka CIA-du waxay ku duuleen diyaarad aad u yar, waxayna ka degeen garoonka Cisaley ee waqooyiga Muqdisho horraantii December 1992. Si kasta ha noqotee, joogitaanka ay Muqdisho joogaan ayaa halis ku ahayd dhammaantood. Sida Shanklin uu yiri, “Waxay Muqdisho ahayd meel waali iyo sharci la’aani ka jirto, kuwa xoogga lihina ay gawaarida tiknikada ku socdaan, ugu yaraan qof walbana wuxuu sitay qori.”

Ciidammadii ugu horreeyey ee Marines-ka Mareykanku markey caga dhigteen xeebta Muqdisho 9-kii December 1992, Shanklin oo ay la socdaan rag Soomaali ah oo uu Ibraahin ku soo daray ayaa waxay taagnaayeen xeebta Liido, iyagoo sameynayey howlgal waardiyeyn ah, waxaana uu Shanklin sheegay inuu ku kalsoonaa in dagaalyahannada Caydiid aysan soo weeraraynin ciidammada degaya.

Hase yeeshee, kalsoonidiisii waa burburtay markii xaafadda Bermuuda ay barqanimadii maalintaas ku joojiyeen miliishiyo hubeysan, isagoo wada Taliyihii CIA-da Muqdisho, si uu u soo baro Ibraahin. Isla markiiba miliishiyadii waxay qaateen qori casri ah oo CIA-du lahayd, iyagoon garanayn ragga ay hayaan inay sirdoon Mareykan yihiin iyo in kale.

Shanklin oo qatar ugu jira in la dilo isaga iyo ragga kale ee la socda ayaa degay oo ka dalbay taliyihii miliishiyada Soomaalida inuu xaalka dejiyo. Kaddib markii uu maliishiyada mashquuliyey ninkii qoriga qaatay ayaa waxaa u suura-gashay Shanklin inuu degdeg ku fuulo gaarigii, si xowli ahna ku dhaqaajiyo oo uu meesha kaga ordo.

Saxiibayal lasocda Qaybta Lale insha alaaha.

Mubarak Ashkir.