Mareykanka oo War Kasoo saaray Duqeymo 4 ah oo ka dhacay Sh/hoose (Akhriso)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka Afrika ee (FRICOM), ayaa lagu Sheegay in Diyaaradaha Mareykanka ay 4 weerar xalay ay ka geysteen deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraal lagu daabacay Twitterka Africom, ayaa lagu sheegay in weerarada laba kamid ah ay ka dhaceen deegaanka Kuunya Baroow, mid kale lala eegtay Awdheegle, halka weerarka 4-aadna uu ka dhacay deegaanka Janaale.

Mareykanka waxa uu sheegtay iney baabi’iyeen goobo Shabaabka ay Canshuuro ku qaadi jireen, wuxuuna khasaraaha ku sheegay oo kaliya dhimashada laba dagaalame oo Shabaab ah.

Howlgalka oo saqdii dhexe ee xalay dhacay ayaa Mareykanka waxa uu sheegtay iney hoggaaminayeen Ciidamada Soomaalida, iyaguna taageerayeen oo kaliya.

Mareykanka waxa uu ugu danbeyn sheegtay inuu sii wadayo weerarada dhinaca cirka ah ee ka dhanka ah Shabaab, kuwaasoo ujeedka laga leeyahay ay tahay sidii loogu taageeri lahaa Ciidamada dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada iney ka adkaadaan Al-Shabaab.

Akhriso War-saxaafadeedka Kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM.

IDIL NEWS