Wasaaradda Waxbarashada Somaliya oo Berri bilaabeysa qaadista Imtixaankii Shahaadiga ee horay u fashilmay

Wasaaradda Waxbarashada Somaliya, ayaa la filayaa maalinta Berri ah inay bilowdo qaadista Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee horay u fashilmay, kadib markii Qishka Imtixaankaasi la helay.

Maalinta Berri oo Isniin ah ayaa la filayaa in mar kale Arday ka badan 30-kun Arday u fariistaan Imtixaanka Shahaadiga, kuwaasi oo ku kala gali doono Imtixaanka Muqdisho & Gobolada dalka qaar.

Wasaaradda Waxbarashada Somaliya ayaa horay u shaacisay 27-ka Bishan oo Maalinta Berri ku beegan in Ardayda Imtixaanka ay gali doonaan, islamarkaana habsami socodka Imtixaanka ay rajeynayaan in si hagaagsan uu ku socon doono.

Inkastoo Wasiirka Waxbarashada Somaliya C/laahi Goodax Barre uu sheegay in la xiri doono isticmaalka Baraha Bulshada, haddana lama oga sida ay ku suurageli doonto arrintaasi.

Booliska Somaliya ayaa shaqsi la tuhmaayo inuu bixiyay Imtixaankii hore ee dowladda gacanta ku soo dhigay, shaqsigaasi oo dowladda ay baaris ku hayso.

Ardayda Maalinta Berri ah la filaayo inay u fariistaan Imtixaanka ayaa u diyaargaroobay ka qaybgalka Imtixaankaasi.

Ardayda ku nool deeganada Puntland ayaa todobaadkii la soo dhaafay u fariistay Imtixaanka Shahaadiga deeganada Puntland oo ay maamuleysay Wasaaradda Waxbarashada Maamulkaasi, kaasi oo ku soo dhamaaday jawi hagaagsan.