VIDEO: Qeyb-diid “Hadii Dastuurka waqtigiisa lagu dhameyn waayo eeda waxaa qaadanaya madaxda Somalia”

Guddoomiyaha Guddiga la Socodka ee dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid), ayaa sheegay in hadii waqtigii loogu talagalay uu ku dhameystirmo Dastuurku kusoo dhamaan waayo, ay Mas’uuliyadiisa qaadan doonaan Madaxda Soomaalida.

Senator Cabdi Qeyb-diid ayaa sheegay in Bisha Decamber ee sanadkan ay u qorsheysan tahay in Baarlamaanka Labadiisa aqal u gudbiyaan Dastuurka ay diyaariyeen, lana dhameystiro, haday dhici weydan ay Masuuliyadaas qaadan doonto ciday ka socon weyday.