Maleeshiyaadkii uu hoggaamin jiray Wasiir Gallan oo xirtay Wadada Boosaaso

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland, ayaa sheegaya in ciidamo uu hoggaaminayo sarkaal magaciisa la yiraahdo Ciise Yulux, ay hakiyeen maanta isu socodka gadiidka ee laamiga dheer ee isku xira Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Ciidanka uu hoggaaminayay Ciise Yulux oo sanado kahor la hawlgali jirey Cabdisamad Gallan oo haatan ah Wasiirka Amniga Dowladda Puntland, ayaa jidgooyadooda dhigtay Wadada u dhaxaysa Degmada Carmo iyo Magaalada Boosaaso, sida ay xaqiijiyeen gadiidleyda ku safreysa wadadaas.

Ciise Yulux oo kamid ah Hoggaamiyayaasha Burcad badeedii, ayaa ku doodaaya inay xuquuq uga maqan tahay Xukuumadda Puntland, taas oo uu qeexayay oo heshiis hoose oo 2017-ka la dhexdhigey Madaxweynihii horre ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Maleeshiyaad uu hogaaminayay xilligaas Cabdisamad Gallan oo khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweyne Gaas, oo uu kamid ahaa.

Ciise Yulux ayaa sheegay inay isku socodka u hakiyeen kaddib markii la siin waayay xuquuq iyo mushahaar ay ku lahaayeen Xukuumadda, taas oo ay ka jaratay Xukuumada uu Hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Deni.

Xukuumadda Puntland ayaan weli ka hadlin Maleeshiyaadkan maanta xirtay Wadada Halbowlaha ee isku xirta Caasimadda Puntland iyo xarunta Ganacsiga ee Boosaaso.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News