Ciidanka PSF-ta Puntland oo weerar ku dilay xubno katirsan Al-Shabaab (Sawirro)

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Puntland ee PSF-ta, ayaa subaxnimadii hore ee saaka la beegsaday weerar qorshaysan Kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysta Buuraha Cal Madow.

Qoraal lagu baahiyay Baraha Bulshada Ciidanka amniga Puntland ee PFS-ta, ayaa lagu sheegay in Ciidanku beegasadeen Maleeshiyaad katirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa buuraleyda Mariidle, ayna Ciidanku gaarsiiyeen Kooxda  khasaare dhimasho iyo dhaawac ba leh.

Ciidanka amniga Puntland ee PSF-ta ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish eek u dhuumaaleysanaya Buuraleyda Puntland, illaa inta laga adkaanayo.