Maxaa looga hadlayaa Kulanka Golaha Aqalka Sare ee maanta ?

Xildhibaannada Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa la filayaa in Kulankoodii Caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho.

Ajendayaasha Kulanka Aqalka Sare ee Maanta ayaa waxaa ay kale yihiin Akhrinta Hindise-Sharciyeedka Shidaalka ama Batroolka iyo Akhrinta Saddexaad Sharciga Xaquuqda Siyaasiyiinta Dowladda.

Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa Khamiistii la soo dhaafay waxaa ay yeesheen Kulankoodii caadiga ahaa, iyada oo Akhrinta 2aad marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka,sidoo kalena ansixiyay Xubin Cusub oo kamid noqaneeysa Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.