Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo Oo laga dulqaaday lacagihii saarnaa

Guud ahaan lacagtii saarnayd Dadka iyo Diyaaradaha kadaga ama ka dhoofa Garoonka Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo way laashay Dowlada Puntland.

Cabashadii shacabka way gaartay Madaxweyne Deni,wuuna ka garaabay.

Si buuxda,ayaa loo amray in aan dib loo qaadin lacagtaas.

Joojinta lacagtaas waxay Garoonka usoo celinaysaa duulimaadyo badan oo ka leexday.

Garoonka Cabdulaahi Yuusuf waa mid ka mid ah garoomada ugu muhiimsan guud ahaan Somaliya.

Jibril Qoobey.