AMISOM: Ciidanka Itoobiya ee aan naga midka aheyn ayaa soo riday diyaarada African Express

Ciidamo aan ka tirsaneyn howl galka AMISOM ayaa soo riday diyaaraddii African Express, taasoo ah in Ciidamada Itoobiya qeybta aan hoos tagin AMISOM inay soo rideen diyaaradda, sida lagu shaaciyay warbixin loo diray Taliska AMISOM.

Warbixinta ayaa lagu muujiyay in sababta loo soo riday diyaaradda inay aheyd shaki laga qabay inay is qarxiso iyo xiriir la’aan, xitaa haddii aan la toogan laheyn, waxaa warbixinta lagu sheegay inay diyaaradda soo dhici laheyd maadaama lugaha diyaaradda ama shaagga aanu diyaar aheyn xilligii ay diyaaradda caga dhigan laheyd. (Golaf).