VIDEO: Bannaan-bax ka dhan ah Farmaajo oo ka socda Muqdisho

Bannaan-bax looga soo horjeedo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa ka socda Isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho.

Dadka bannaan-baxaya ayaa ku dhawaaqaya erayo ay kamid yihiin “FARMAAJO DOONI MAYNO, KALIGII TALIYAHA DOONI MAYNO”, waxaana ay socod ku mareen qaar kamid waddooyinka soo gala Isgoyska.