Abiy Ahmed oo kulan deg-deg ah isugu yeeray Ismaamulada Itoobiya

Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa isugu yeedhay dhammaan Madaxweynayaasha Deegaanada Itoobiya oo uu la qaadanayo kulan socon doona laba maalmood.

Abiy Axmed waxa uu sheegay in laga wada hadlayo xaaladaha taagan.

Xukuumadda Abiy ayaa la daalaadhacaysa culaysyo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale oo soo foodsaaray sannadkii u danbeeyey, kuwaas oo ay kamid yihiin;

1: Colaadda gobolka Tigray oo sii daba dheeraatay iyo beesha caalamka oo weli qaylo dhaan diraysa.

2: Guddiga doorashooyinka oo shalay sheegay in aanay doorashada ku qabanayn waqtigii la qorsheeyey, caqabado taagan darteed.

3: Dhaqaalaha oo sagxadda tagay tan iyo wixii ka danbeeyey markii uu qarxay dagaalkii gobolka Tigray, iyo caalamka oo xannibay dhaqaalihii uu siin jiray Itoobiya.

4: Dagaalka xadka ee u dhexeeya Suudaan iyo Itoobiya oo sii xoogaysanaya.

5: iyo muranka biyo-xidheenka GERD oo meel xun maraya, dhawr fadhi oo lagaga arrinsanayeyna lagu kala kacay, (hubka uun baan gacanta dhinacyada is haya ka bixin).