Cumar Cabdirashiid “Hoggaamiyaasha Gobolladu waxa ay ku guuleysteen inay maamulaan doorashooyinka Aqalka Hoose”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ka falceliyay warmurtiyeedka kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga qaranka ee lagu jaangooyay habraaca doorashada Golaha Shacabka BFS ayaa ku tilmaamay go’aan kicin kara rabshado cusub.

Cumar Cabdirashiid oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu hoggaamiyaasha Gobolladu ku sifeeyay in ay ku guuleysteen xoojinta awoodda ay ku leeyihin Doorashooyinka marka la eego kaalinta ay ku leeyihiin soo xulista Odoyaasha & galaangalka Ergada wax dooraneysa.

Cumar Cabdirashiid waxa uu ku baaqay in dib u eegis degedeg ah lagu sameeyo si looga fogaado dib u dhac ku yimaado xasilooni u socodka Doorashada kuraasta Golaha Shacabka BFS oo loolan ay u galayaan Musharixiinta u tartameysa.

“Hoggaamiyaasha Gobolladu waxa ay ku guuleysteen in ay maamulaan doorashooyinka Aqalka Hoose (Golaha Shacabka), warmurtiyeedka waxaa ka harsan hufnaanta geedi socodka oo aanay helin taageerada Dadka Soomaaliyeed, waxaa suuragal ah in uu kiciyo dareen cusub & rabsho, waa in degdeg loogu laabtaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.

Idilnews