Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalo iyo banaanbaxyo ka dhacay Beledweyne

Xaalada magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa si weyn u kacsan maanta kaddib markii ay xalay la wareegeen Ciidammo la magac baxay Badbaadada Hiiraan, kuwaas oo kasoo horjeeda Maamulka Hirshabelle ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Cali Xuseen Guudlaawe.

Ciidammada ayaa xalay qabsaday inta badan xaafadaha magaalada Beledweyne, waxaana ka dhacay magaalada dagaalo goos goos ah oo dhexmaray Ciidanka DFS iyo kuwa Badbaadada Hiiraan, sidoo kale Beledweyne ayaa xalay marti galisay banaanbaxyo ka dhan ah Maamulka Hirshabelle.

Wararka ayaa sheegaya in qabsashada magaalada Beledweyne ee Ciidammada diidan Maamul Hirshabelle ay soo dad’dajisay kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu maanta Beledweyne tagayo Madaxweyne Guudlaawe, oo muddo 10 bilood ah oo xilka hayo maamulin Gobalka Hiiraan.

Idilnews