Akhriso: DFS oo u jawaabtay macalimiin ka cowday xaquuq ka maqan

Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeymo ay dhawaan u soo jeediyeen macalimiintii saxday Imtixaanka shahaadiga ah ee DFS, kuwaas oo sheegay in aysan helin xuquuqdoodii.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa marka hore waxaa loogu mahad celiyay macallimiinta had iyo jeer u taagan tayeenta waxbarashada ubadka soomaaliyeed gaar ahaan dajinta, ilaalinta iyo saxida imtixaanka qaranka ee sanad kasto ay qaado Wasaaradda Waxbarashada.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in ay dada dheer ugu jiraan helida xaquuqda macalimiinta iyo kuwii saxay Imtixaanka, isla markaana ay uga maqan tahay dhinaca Wasaaradda Maalliyadda.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare, waxay dadaal dheer ugu jirtaa sidii xuquuqdooda ay u heli lahaayeen macalimiinta u dhabar adeegay ka qeyb-qaadashada imtixaanka qaranka waxayna jawaab ka sugeysaa dhigeeda Wasaaradda Maaliyadda annagoo rajeyneyna in dhawaan aad heli doontaan xaquuqdiina ku aadan saxida iyo ilaalinta imtixaanka qaranka ayaa lagu iri” Qoraalka Wasaaradda Waxbarashada.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya aya sanad kasta qaada Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare, waxaana mararka qaar cabasho dhanka mushaar la’aanta ah keena Macalimiintii ka qeyb qaatay saxida iyo ilaalinta imtixaanka.

Idilnews