Al-Shabaab oo laga qabsaday deegaano muhiim ah

Ciidamada sida gaarka ah u tabaran ee xoogga dalka Soomaaliyed ayaa markale waxaa howlgal qorsheysan saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen tuulooyin u dhow degaanka Janaale oo hoosta Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo ay hoggaaminayeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo Maamulka degaanka Janaale ayaa waxaa ay kula wareegeen tuulooyinka, Kaaytooy, Mushaani, Xerta Doonka, Waagade iyo kabtaanka oo dhamaantood u dhow degaanka Janaale ee Gobalka Shabellaha Hoose.

Taliyaha Ciidamada sida gaarka u tababaran Ee xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdullaahi Mustafe (Madaale Qaran) ayaa sheegay in Ciidamada dowladda aysan dib uga laaban doonin degaannada ay la wareegeen, isla markaana amniga xaqiijin doonaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamada xoogga dalka & Maamulka degaanka Janaale ay u diyaarsan yihiin inay degaannada kale ee Shabeellaha Hoose kala wareegaan Ururka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degaanka Janaale Cabdiraxmaan Cabdinuur Al –Cadaala oo la hadlayay bulshada degaanka mushaani ayaa u mahad celiyay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed & Bulshada degaanka oo iska kaashaday in tuulooyinka lala wareego.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha degaanka Janaale ayaa waxaa uu ugu baaqay Dhalinyarada weli ka tirsan Al-Shabaab inay isku soo dhiibaan Ciidamada dowlada Soomaaliya, sidoo kalena ay dib u soo celin doonaan horumaradii kajiray.

Idilnews