Rooble oo u dhoofay Qatar, Xafiiskiisa oo war kasoo saaray safarkiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u dhoofay magaalada Doha ee dalka Qatar ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay amiirka Qadar, Sheikh Tamim bin Xamad Al Thani,

War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Roiblebayaa waxaa lagu sheegay in ujeeddada booqashada Ra’iisul wasaaraha iyo Wafdigiisa ay tahay sii xoojinta cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa inta uu joogo Doha waxa uu kulan la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamiim Bin Hamad Al-Thani iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Khalid Bin Khalifa Bin Cabdulcasiis Althani.

Dowlad Qatar ayaa kamid ah dowladaha saaxiibada dhow la ah Villa Soomaaliya, waxaana horey loogu eedeeyay inay dhaqaale sharci-darro ah ay siiso Farmaajo iyo Farhad si ay ugu adeegaan danaheeda siyaasadeed ee Soomaaliya, loona wiiqo dowladnimada curdanka ah ee Dalka.

Idilnews