Sidee Ra’iisul Wasaare Rooble loogu soo dhaweeyay Dalka Qatar ?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, kadib casuumaad uu ka helay Madaxda dalkaas.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa inta uu joogo Doha waxa uu kulan la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamiim Bin Hamad Al-Thani iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Khalid Bin Khalifa Bin Cabdulcasiis Althani.

War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Roiblebayaa waxaa lagu sheegay in ujeeddada booqashada Ra’iisul wasaaraha iyo Wafdigiisa ay tahay sii xoojinta cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar.

Dowlad Qatar ayaa kamid ah dowlqdaha saaxiibada dhow la ah Soomaaliya iyadoo hadda ka wadda mashaariic horumarineed oo ay ugu weyn tahay dhisamaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo la dhammeeyay iyo sidoo kale Muqdisho iyo Jowhar ooh hadda ay howsheedu socoto.

Idilnews