Galmudug oo ku dhawaaqday go’aano adag (Akhriso)

Wasaaradda degaanka iyo isbedelka Cimilada ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo saartay amar lagu joojinayo Jarista, gubista, ka ganacsiga dhuxusha iyo ugaarsiga duur-joogta.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda degaanka iyo isbedelka Cimilada Galmudug Sanoter Siciid Siyaad Shirwac ayaa waxaa lagu amray hay’adaha kala duwan ee Galmudug inay ka gutaan amarkaan waajibkooda kaga aadan, isla markaana ay qabtaan sharcigana horgeeyaan dadka aan u hoggaansamin amarkaan.

Idilnews