Shir looga hadlayo Amniga Puntland oo lagu qabtay Garoowe (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa shir gudoomiyay shir looga hadlayay xoojinta Amniga Puntland Guud ahaan gaar ahaana adkaynta Amniga Caasimada Dawladda Puntland ee Garowe.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay Lataliyaha Amniga Madaxweynaha, Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland, Taliyaha Booliiska Puntland, Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal, Gudoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Duqa Degmada Garowe. Shirkaan ayaa waxaa kasoo baxay go’aamo lagu adkaynayo Amniga Caasimada Dawladda Puntland iyo Guud ahaan deeganada Puntland.

Idilnews