Ma waxuu udoontay Qatar Lacagtii Doorashada Farmaajo?

Madaxweynaha mudo xileedkiisu idlaaday ee Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa goordhaweyd u kicitimay dalka Qadar halkaas lagu wado in uu joogo labo maalmood ee nagu soo aadan.

Farmaajo,ayaa la filayaa in uu kulmo amiirka Qadar oo ay ka wadahadli doonaan arrimo ay kamid yihiin xiriirka labad dal iyo arrimaha horumarka.

Safarka Farmaajo,ayaa waxaa horey usii shaacisay warbaahinta Qatar oo sheegtay in Doxa ay casumad u fidisay Farmaajo iyo waftigiisa.

Socdaalka Farmaajo ee Qatar,ayaa ku soo beegmay xilli xasaasi ah, isla-markaana lagu jiro gaba-gabadii doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Fadaraalka.