Rooble oo dhaqaale ku raba soo wareejinta Kuraasta Garbahaarey

Rooble 16-ka Kursi ee Garbahaarey loo asteeyay soo wareejintooda,waxuu ka rabaa heshiis dhaqaale.

Ugu yaraan Nus Milyan Dolar hadaan loo sheegin ma qaadanayo go’aan deg-deg ah.

Waxaa jira Musharaxiin kasoo jeeda Beesha Hawiye oo ku qalqaalinaya in uu Xamar usoo wareejiyo oo uusan Kismaayo gayn.

Musharaxiintaas waxay u arkaan Jubaland in ay dhisayso Deni,sidaa daraadeed ugu yaraan si wax looga boobo in Xamar la keeno.

Khayre iyo Cabdikariin Guuleed waxay u ogol yihiin Rooble Lacag Cadaan ah oo fara saar ah si uu uqaato go’aanka Xamar.

Hogaanka Puntland ee musharaxa ah,waxaa laga rabaa in uu dhiirado oo Rooble wax usheego si aan looga boobon Kuraastaas heehaabaya.

Jibril Qoobey.