Ma dhabaa in Xildhibaankii laga dhacay Mudug ka baxay Gacanta Madaxweyne Deni?

Waa filayay in uu diboodayo oo uusan Deni daacad unoqon doonin.

Caawa,waxaan arkay fariimo uu udiray Deni oo uu ugu hanjabayo,isagoo aad ucaraysan.

Xoosh-ka loo dhacay Beeshiisii loona bahdilay Islaankiisii in uu dood sii qabo anaaba la yaabay.

Ninbaa laga sheegay ..”Wanqalkii oo aan Bawdo ka cunay maxaa reerka iigu haray ma Umushaan….”

Xoosh-ka haysta Xildhibaanka aan aqoonsiga Deegaan haysan,waxa uu Deni ku haystaa waa maxaad Agaasimihii Duulista ee aan ka tagey ugu magacaabi waday Nin lagu magacaabo Ina Cilal.

Cilan waa Nin dhibadan oo Qoyska reer Xirsi faarax ugaystay lugooyo door ah oo laga xusi karo…

1.Laba Duq Magaalo oo daraadii Burtinle uga tagey.

2..Wasiirkii oo daraadii loo dhaafiyay.

3.Fiqigii oo daraadii isku casilay.

Deni kuma khaldana in uu Agaasimaha iskaga maslaxo reer Xirsigii kale ee ka carooday Xildhibaanka uu dhacay iyo Wasiirada uu dhaafiyay.

Balse waxii looga digayay ee ahayd Dad Adiga kuu hakanaya Dalka iyo Dadkana wax kusoo kordhin kara xulo oo uu iska indha tiray,ayaa horyaala saakay Deni !!

Jibril Qoobey.