W.Waxbarashada Fadaraalka oo ka digtay dhul ay leedahay oo la boobayo

Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta sare, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Waxaa ay xafiisyadda Dowladda ee ay warqadani sida tooska ah ugu socoto si xushmad iyo qadarrin leh ugu codsaneysaa in la joojiyo boobka la rabo in lagu jajabiyo dhulka xaruntii hore ee Manaahijta oo ku yaala degmada Waaberi, dhabarka dambe ee Somali Airline. xiligii burburkana laga dhisay goob lagu ciyaaro oo laga jaray dhulka guud oo ay laheyd waaxda manaahijta ee Wasaaradda Waxbarashadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Haddaba, dhulkaas waxaa rabo in ay si sharci darro ah ula wareegaan Dad shacab ah,isla markaana raba in loogu cabiro sifo aan sharci aheyn, si sharci dara ahna loogu Wareejiyo hantida, wasaaardda Waxbarashadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidaas darteed, annaga oo ku kalsoon wada shaqeynteenna waxaan idinka rajeyneynaa in aad naga aqbali doontaan joojinta boobkaas lagu haayo hantida maguurtada ah ee Wasaaradda Waxbarashadda.

Halkan ka akhriso:-