Video:-Waraysi xasaasiya oo uu bixiyay Imran Khan oo la joojiyay

Maamulka Warbaahinta ee Pakistan ee (PEMRA) ayaa mamnuucay baahinta waraysi uu siiyay Imran Khan, Raysul wasaarihii hore ee dalkaas, ahna hoggaamiyaha xisbiga PTI siiyay telefishin madax-bannaan.

War qoraal oo ka soo baxay PEMRA ayaa lagu sheegay in wareysiga lala yeeshay Imran Khan ay ku jiraan ereyo khatar ku ah amaanka iyo madaxbannaanida dalkaas.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in waraysiga uu sababi karo nacayb dalka gudihiisa ka dhaca, isla markaana uu caqabad ku noqon lahaa joogteynta sharciga.

Raysul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa waraysiga ku dhex sheegay in haddii uusan maamulkiisu qaadan lahayn go’aanka saxda ah ciidamada la baabi’in lahaa isla markaana Pakistan ay u qaybsami lahayd saddex qaybood. Erayadaas ayay PEMRA ku tilmaantay kuwo ka hor imaanaya qodobka 190-aad ee dastuurka iyo xorriyatul-qowlka, kuna xadgudbaya shuruucdooda,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka