Biden oo ku dhawaaqay in uu markale musharax yahay

Madaxweyne Joe Biden ayaa Talaadadii ku dhawaaqay inuu u tartamayo mar kale doorashada 2024, waxaana uu sheegay inuu doonayo ‘inuu dhammeystiro shaqo qabyo ah’ sida uu ku sheegay muuqaal uu soo dhigay Twitter-kiisa.

“Jiil kastaa wuxuu leeyahay waqti ay u istaagaan dimuqraadiyadda, si ay ugu istaagaan xorriyaddooda aasaasiga ah, waxaan u maleynayaa inay taasi tahay annaga, waana sababta aan ugu tartamayo inaan mar kale noqdo madaxweynaha Mareykanka. nagu soo biir. Aan dhammeystirno shaqada,” ayuu Biden ku yiri muuqaal uu baahiyay.

 

AFP.