MADAXWEYNAHA OO FURAY KALFADHIGA 52-AAD EE GOLAHA WAKIILLADA DOWLADDA PUNTLAND.

Garowe: 15 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa furay Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Madaxweynaha oo jeediyay khudbadiisa Dastuuriga ah, ayaa Golaha la wadaagay horumarada laga sameeyay dhinacyada Amniga , Dimuqraadiyadda iyo Arrimaha Bulshada.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeen Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame , Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya, Golaha Garsoorka DPL, Xafiiska Xuquuqul Insaanka DPL, Ururada Bulshada iyo Marti sharaf kale.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.