Xarunta dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo xariga laga jaray

Garoowe 31 July 2023: Iyadoo lagu guda jiro dabaaldega todobaadka 25-sano guuradii kasoo wareegatay markiii la-aassaasay Dowladda Puntland, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xariga ka jaray xarunta cusub ee dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.