Akhriso: 27 qodob oo ah gafaf & khiyaanooyin Qaran oo uu galay Axmed Guutaale

Waxa Ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa gafafka, hagardaamooyinka, khaladaadka iyo qiyaanooyinka Qaran ee Md. Ahmed Guutaale (Hantidhawraha Guud) uu ku kacay intii uu joogay Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka.

1. In Hantidhawruhu amray wax ka bedelka Hidise-sharciyeedka XHGQ ee ay ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaankii 10aad iyadoo wax kabedelka aan lagu saleyn halbeeg sharci iyo mid maamul Hidise-sharciyeedka dib laga qorayna lagu jaangooyay dano siyaasadeed iyo mid shaqsiyadeed oo ka fog danaha Qaranka.
2. In Hantidhawruhu ku sifoobay wax ka bedelka natiijada baaritaannada XHGQ gaar ahaan aragtida baarista warbixinta maaliyadeed (opinion of the financial audit report) oo khalaad culus ku jireen aragtoduna ahayd Disclaimer ama Adverse balse uu ka dhigay Qualified Opinion. Isbedelkan ayuu uga golleeyahay inuu ku ilaaliyo dano shaqsi, saaxiibtimimo iyo mid kooxeed.

3. In Hantidhawruhu cuuryaamiyay hannaanka baarista ee XHGQ, isagoo amray bilowga iyo fulinta baaritaano gaar ah oo aan loo marin hannaan hufan oo qorshaysan, waafaqsanna heerarka baarista.

4. In Hantidhawruhu ishortaag ku sameeyay fulinta baaris ku jiray Qorshaha Baaritaannada ee Sannadka 2023 iyadoo uu ka eegayo dano shaqsiyadeed iyo mid kooxeed oo ay baaritaankan soo if bixin lahaa haddii la fuliyo.

5. In Hantidhawruhu uu sabab la’aan muddo 50 maalmood ka badan qoraal uu soo saaray ku hakiyay qaar ka mid ah baaritaanno gaar ah oo uu waday XHGQ iyadoo baaritaannada ay bilowdeen ka hor muddo xileedkiisa, loogana fadhiyay in uu si wanaagsan u dhammaystiro. Muddada baaritaannadu hakadka ku jireen ayaa ahayd (10/04/2023- 07/06/2023). Hakinta baaritaannada gaarka ah si qoraal ah laguma wargalin Hay’adihii la baarayay;

6. In Hantidhawruhu uu kulamo qarsoodi ah la qaato dadka macluumaadka la wadaaga XHGQ si loo baaro iyadoo uusan ka qeybgalin mas’uuliyiinta shaqooyinkaa qaabilsan, shirarka qarsoodida ah waxa ka soo baxana uusan ku keydiin diiwaannada XHGQ sidoo kalana uusan la wadaagin cidda ku shaqada leh taas oo cuuryaaminaysa shaqada XHGQ sidoo kalana muujijaysa danaha isdiidan (conflict of interest).

7. In Hantidhawruhu awooda XHGQ uu u adeegsado in uu uga fa’iideeyo shaqsiyaad jufo hoose iyo kooxo danleey ah;

8. In Hantidhawruhu uu shaqooyinka XHGQ ka dhigay kuwa lagu ilaaliyo dano iyo mid koox gaar ah oo dano dhaqaale iyo mid siyaasiya leh.

9. In XHGQ uu kadhigay meel isku dhex yaacsan oo waajibaadka Waaxyaha aan la ixtiraamin, loona fulin sida ay u qoran yihiin. Hantidhawraha Guud ayaa mudaddii uu xilka hayay caadeeystay in uu si bareer oo joogto ah u wareeriyo waajibaadka Waaxyaha isagoo Waajibaad Agaasime ku magacaaban yahay u dira qof kale oo aan door ku lahayn taas oo cuuryaamisay shaqooyinka mugga leh ee XHGQ.
10. In Hantidhawruhu uu handadaad, goodin, cagajuglayn, bahdil iyo kutagrifal aweedeed si joogta ah ugula kaco shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta XHGQ.

11. In Hantidhawruhu shaqaalaha ugu faano kuna cabsi galiyo in Madaxweynaha uu booskan ugu abaalguday wuxuu isaga rabo oo keliya ay XHGQ ka soconayaan.

12. In Hantidhawruhu ka dhaga adeeygo talada mas’uuliyiinta XHGQ, kuna kaco wax rabitaankiisa qanaaco galinaya oo aysan ku jirin Danaha XHGQ iyo mida JFS.
13. In Hantidhawruhu ku sifoobay ka hadalka iyo xeerinta waajibaad ay u xil saaran yihiin Hay’adaha kale ee DFS.

14. In Hantidhawruhu uu shaqooyinka XHGQ iyo dadka qabanaya uu ku jaangooyo rabitaankiisa iyo raali galintiisa shaqsiga isagoo shaqooyinka u dira shaqsiyaad YES BOSS ah oo aan door ku lahayn shaqooyinka qaar sidoo kalana aan u lahayn aqoon iyo waaya aragnimo kufilan.

15. In dhowr qofood oo XHGQ shaqooyin muhiim ah ka hayay ay shaqada isaga tageen halka kuwa kale oo badanna ay qarka u saaran yihiin in ay ka tagaan shaqada kadib markii XHGQ uu jahawareer ba’an galay.

16. In Hantidhawruhu colaadin iyo fogayn kula kacay hay’adaha daneeyayaasha XHGQ kaddib oo XHGQ iyo DFS taageera kaddib markii ay qaarkood ka horyimaadeen magacaabista Hantidhawraha Guud (Md. Guutaale) maadaama uusan lahayn aqoon iyo waaya aragnimo maaliyadeed.

17. In Hantidhawraha Guud (Md. Avv. Guutaale) markuu xilka la wareegay kadib uu XHGQ ku soo kordhiyay dhaqan iska horkeenid iyo isku dirid shaqaalaha & mas’uuliyiinta XHGQ.

18. In Hantidhawruhu amray in sawirada iyo saxiixyada laga bedelo qorshayaasha, siyaasadaha iyo dukumintiyada muhiimka ah ee hagga shaqooyinka XHGQ ee uu saxiixay, dhaqan galiyayna Hantidhawrihii ka horeeyay Md. Mohamed Afgoi, iyadoo uu Md. Guutaale amray in dukumintiyada laga saaro sawirada iyo saxiixyada Md. Guutaale iyadoo wax ka bedelka ay ku kooban tahay sawirada iyo saxiixyada oo keliya sidoo kalana dukumintiyadan ay ka horeeyeen muda xileedkiisa.

19. In Hantidhawruhu uu shaqooyinka XHGQ ka dhigay kuwa igu sawir ah taas oo saameyn weyn ku yeelanaysa ilaalinta sirta Qaranka iyo dhawrsanaanta XHGQ.

20. In Hantidhawruhu uu qaar ka mid mas’uuliyiinta XHGQ si bareer ah ugu colaadiyo dabeecadahooda iyo habdhaqankooda shaqo ee ku adkaanta nidaamka, xeerarka iyo shuruucda dhaqan-galka ah isagoo ku colaadiya fulin la’aanta rabitaankiisa shaqsiga ee nidaamka Dowliga ah iyo sharciga baalmarsan.

21. In awooda XHGQ iyo Dowladnimada uu u isticmaalo in uu asxaabtiisa iyo qaraabadiisa Hay’adaha Dowladda u qaado qandaraayso iyadoo la handado Hay’adaha DFS iyo qandaraaslayaasha oo lagu qasbo in ay faa’iidada qeyb ka bixiyaan ama qandaraaska dhan laga qaadayo.

22. In Hantidhawraha Guud uu isqab-qabsigii ka dhacay Wasaaradda Maaliyadda ee xilka looga qaaday Wasiirkii Wasaaradda kadib uu booqday Xarunta Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda iyadoo Hantidhawraha Guud uu si bareer ah u handaday, uguna cagajugleeyay Agaasimayaashii uu magacaabay Wasiir Cilmi. Hantidhawraha Guud ayaa garab siinayay Agaasimaha Guud ee Dakhliga oo ay isqabteen Agaasimaha Furdada. Falkan uu sameeyay Hantidhawraha Guud ayaa ah mid lid ku ah maqaamka, sharafka iyo qiimaha Xafiiska Hantidhawrka sidoo kalana xafgudub ku ah muwaadiniin Soomaaliyeed oo loo gacmo qabtay qof kale.

23. In Hantidhawraha Guud uu si aan nidaam loo marin wax uga bedelo qaab-dhismeedka Xafiiska isagoo wax ka bedelka ku saleeya rabitaankiisa iyo dareenkiisa shaqsiga. Agaasime haduu ku yiraahdo md. Hantidhawre waxan sidan looma qaban karo, Hantidhawraha Guud waxaa uu ku jawaabaa “shaqadan qof kalaan u dirsanayaa, Waax kalana waan hoos gaynayaa, taas oo aan wafaqdanayn sharciga iyo nidaamka toosan ee Dowladda”.

24. In Hantidhawruhu isku dayay, sidoo kalana Waaxda ICT da ka codsaday in si farsamo hoose ah oo aysan cidna ogayn users website Xafiiska loo siiyo 3 qofood. Agaasimaha ICT ayaa u sheegay in wax farsamo hoose la dhaho aysan ka shaqayn halkan balse nidaam loo maro shaqooyinka Xafiiska. Hadii qof ama dad users loo samaynaya uu nidaamka soo maro, si qoraal rasmi ah ku soo gudbiyo magacyada dadka users ka loo samaynayo. Hantidhawraha Guud ayaa markii ay u socon wayday sheekadii hoos hooseyda ahayd colaadin ku bilaabay Agaasimaha ICT-da Xafiiska maadaama uu Agaasimuhu fulin waayay rabitaan shaqsiga ah ee Hantidhawraha Guud oo aan waafaqsanayn sharciga, nidaamka shaqada Dowladda iyo sugnaanta sirta iyo xogaha Dowladda.

25. In Hantidhawraha uu ku amray hawlwadeenada in shaqooyinka baarista lala socodsiiyo Waaxyo kale oo aan shaqo ku lahayn baaris taas oo cuuryaaminaysa shaqooyinka baarista sidoo kalana meesha ka saaraysa sugnaanta xogta iyo ilaalinta sirta.
26. In Hantidhawruhu shaqada ka eryay shaqaale ku soo baxay tartan furan oo duruufo famil ay haysteen, uuna ku bedeshay qof isaga uu keensaday.

27. In Hantidhawruhu uu Agaasime ku xigeen u mahacaabay gabar aan ka mid ahayn shaqaalaha oo aanan Xafiiska hal maalin imaanin ayuu u magacaabay Agaasime ku xigeen. Gabadhan ayaa waxaa u keenay saaxibadiisa media ha oo ay xiriir dhow la leedahay, shaqada Agaasime ku xigeenka looga dhigayna aysan waxba ka aqoon, waxaana xusid mudan in Xafiiska laga heli karo shaqaale aqoon iyo waaya aragnimo u leh shaqada gabadha loo magacaabay.

W/Q: Cabdale Maxamed Axmed

Agaasimaha Xiriirka, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaran
IDILNEWS